MAANSADA HOOYO KAAHA Anoon maansada u kaadsan Anoon U kuur galin xilkeeda Hooyo kaaha iyo xuskeeda Ka odhan weedhiyo in deeqda Sidii karan soo hilaacday Korkayga markay ka hoortay Kalaamkiyo weedha maanso Xaqii kun mudan ma goynin Hooyo sidaad ii kafaysay Xilkayga sidaad u keentay Kolkuu rabigay I uumay Intuu jiidhkaygu koraayay Kalxada boggaagaan jiifay Markaan kaamil ku gaadhay Kiloo markaan ka cuslaaday Kolkuu sidkaygu dhamaaday Inteed ii kufaa kacaysay Karkii umushiyo dhibkeeda Inteed kulaylkii harqootay Inteed naar ii kulaashay Waliba xubigiyo kalgacaylka Adaa kifaax ii jeclaaday Maxaad kadis igu habaysay Inteed haneedka ugu korisay Intay igu idho kuulanaysay Adoo kuurkuursanaaya Adoo luudsi kax jooga Dhabarka iigu korqaaday Xanbaar ii kabuubyootay Anoo kud daran ku seexday Intay kurbo ciil la goohday Heesaha iigu kalaamtay Intaad I koolkoolinaysay Dharaaro sidaa ii kaabtay Karin callal igu soo xidhaysay Kolna gasiin ugu raadjoogtay Quud iigu soo karinaysay Noloshayda sidaad ...
Halkani waa madal u gaar ah,suugaanta hal abuur maxamed murtaawi