Maanso Hurgumo Ha iska heeso ruuxii Halasaha jacayl qaba Ha hiqleeyo ruuxii Lagu hayo meel daran Hana qoro awaal tiris Ha u dhigo siday tahay Ha u dhowro caashaqa Intaa hadhay ee badan War la hayo sidiisaba Kama hadho wax sii jira Wax la hubo siday tahay Qof u sheegay muu hadhin Anna hannashadaydii Hanaan qurux ilwaadkii Inkastooy haldoor tahay Waxba yay haboonaan Naftan hiiftaybaa tidhi Hogashii daroortaay Iska hayso dhibicii Ha ii di in habeen qudha Hami diidayaa yidhi Haaneedkii irmaanaa Yuu buuxin hadhuubada Dib u hayso godolkii Damiir hoogaybaa yidhi Heemaalkii I jiitow Ha soo marin halkiiyoo Dib ha u hilaac badan Hankan quustaybaa yidhi Hibaaqii widhwidhayow Igadaa halaalaca Kuma hayo wax xiisee Hilib qoomanbaa yidhi Ha ka tagi wax ii mudan Humaagii wacnaayow Ha ii goc sidaadaba Qalbi holcayabaa yidhi Afartaa hurgumahaygiyo Halistaan dhex jiifiyo Hasaawe badan tii Igu heshay aduunyada Libin hoogtay ku asqee Hadii aan huray maanka Oo kuu saaray hadayda Hoy kaaga dhigay qaali ...
Halkani waa madal u gaar ah,suugaanta hal abuur maxamed murtaawi