Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Maanso Dibindaabyo

Dibindaabyo

Markalay i dareentay U dabaalay jacaylku Markalay i dirnaatay Sidii wali dooran Si baas u duraantay Markalay dhab u daadi Diiqada kalgacaylka Ilmadeeda u duugtay baroorta ka daashay, Markalay dib u eegtay, Waxay ka dul booday, Ilayn dab abuuran Qofkii dabin la aa Daruurinta gaaska Ku sii dardaraayo, Ayaan olol daynin, Ilayn digri caashaq Qof aad u dalbayso Misana ku duceeya Habaar iyo daafad Qalbiga u dirnaada Ayaan doqon baasa Ilayn laba dookhu, Isku soo durkinaayo Hadana dabcigooda Dantooda ogaanin Ayaa dad u liita, Ilayn laba daa in Jacayl ku duraama, Misna dadab gaysta Habeen midi dooran Ayaa dib jiraaya Ilayn naf la daaray, Dareen ku asqowday Dawaafta habeeno Dayaxa ka ag toosta Ayaan ifkan dooran Ilayn qof dubaaqa Qofkii dagay wayday, Xiisaha qof dalbaysa, Ayaan dib u seexan Ilayn dawo ruuxa, Dabiib u qoraaya, Daneeya agteeda Hilowgu ku duulye, Qaraamiga duuban, U daara calaacal, Ilayn wacad daaha, Qalbiga u dirnaada, Qoftuu ku dagaayo Misana calaf diido Ayaan ladin duunka Afarta...