Markalay i dareentay
U dabaalay jacaylku
Markalay i dirnaatay
Sidii wali dooran
Si baas u duraantay
Markalay dhab u daadi
Diiqada kalgacaylka
Ilmadeeda u duugtay
baroorta ka daashay,
Markalay dib u eegtay,
Waxay ka dul booday,
Ilayn dab abuuran
Qofkii dabin la aa
Daruurinta gaaska
Ku sii dardaraayo,
Ayaan olol daynin,
Ilayn digri caashaq
Qof aad u dalbayso
Misana ku duceeya
Habaar iyo daafad
Qalbiga u dirnaada
Ayaan doqon baasa
Ilayn laba dookhu,
Isku soo durkinaayo
Hadana dabcigooda
Dantooda ogaanin
Ayaa dad u liita,
Ilayn laba daa in
Jacayl ku duraama,
Misna dadab gaysta
Habeen midi dooran
Ayaa dib jiraaya
Ilayn naf la daaray,
Dareen ku asqowday
Dawaafta habeeno
Dayaxa ka ag toosta
Ayaan ifkan dooran
Ilayn qof dubaaqa
Qofkii dagay wayday,
Xiisaha qof dalbaysa,
Ayaan dib u seexan
Ilayn dawo ruuxa,
Dabiib u qoraaya,
Daneeya agteeda
Hilowgu ku duulye,
Qaraamiga duuban,
U daara calaacal,
Ilayn wacad daaha,
Qalbiga u dirnaada,
Qoftuu ku dagaayo
Misana calaf diido
Ayaan ladin duunka
Afartaa dabiibta
Dihdaydiyo taaha,
Anaa dar u leefay,
Sidii Dacar nuugay
Anaa darsi beena,
Dardaaran jacayla,
Daabashay riyaaqa
Anaa ku dan seegay
Anaa dun xariira,
Sidii qorax daarta
Dunida u iftiinta
Anaa la dawaafay
Anaa dabci ruuxleh,
Wallee durji nuura,
La soo yara dooday,
Misana dib u waayay
Aheey dagdagayga,
Aheey diiqadayda,
Durdurka ilmadayda
Duraankiyo ciillka
Durtaba samirtayda,
Duruusta jacaylka,
Xusuusta durtiiba,
U daaran qudhayda,
Anaa dan u quustay
Iyadoo la doonay
Daraadna la hooyay
Ayaan dahabkii
Qorax duhur taagan
Ku dayday tooshe
Comments
Post a Comment