Skip to main content

Posts

Hooyo kaaba

 MAANSADA HOOYO KAAHA Anoon maansada u kaadsan Anoon U kuur galin xilkeeda Hooyo kaaha iyo xuskeeda Ka odhan weedhiyo in deeqda Sidii karan soo hilaacday Korkayga markay ka hoortay Kalaamkiyo weedha maanso Xaqii kun mudan ma goynin Hooyo sidaad ii kafaysay Xilkayga sidaad u keentay Kolkuu rabigay I uumay Intuu jiidhkaygu koraayay Kalxada boggaagaan jiifay Markaan kaamil ku gaadhay Kiloo markaan ka cuslaaday Kolkuu sidkaygu dhamaaday Inteed ii kufaa kacaysay Karkii umushiyo dhibkeeda Inteed kulaylkii harqootay Inteed naar ii kulaashay Waliba xubigiyo kalgacaylka Adaa kifaax ii jeclaaday Maxaad kadis igu habaysay Inteed haneedka ugu korisay Intay igu idho kuulanaysay Adoo kuurkuursanaaya Adoo luudsi kax jooga Dhabarka iigu korqaaday Xanbaar ii kabuubyootay Anoo kud daran ku seexday Intay kurbo ciil la goohday Heesaha iigu kalaamtay Intaad I koolkoolinaysay Dharaaro sidaa ii kaabtay Karin callal igu soo xidhaysay Kolna gasiin ugu raadjoogtay Quud iigu soo karinaysay Noloshayda sidaad ...

Qab iyo isla wayni

 MAANSADA QAB IYO ISLA WAYNI Noloshuba qadhaadhiyo, Macaan la isku qooshiyo, Malab qaasa weeyaan, Marna waa qardoofiyo, Qarfo lagu samraayoo, Lagu qadayo weeyaan, Dadna waa qareeniyo, Qaar kula facaa iyo, Saaxib lagu qasaariyo, Mid qaniya weeyaan, Murti waa qoraaliyo, Qodobada wax sheegliyo, Sida qasabka oo kale, Ruuxba inta uu qotiyo, Hibo qubata weeyaan, Marna waa qaraamoo, Weedh lagu qiroodiyo, Hees lagu qaxweeyiyo, Quud awliyo weeyaan, Weedh wayday qaydkiyo, Afartaa qamuunyada, Qasab kuma balweeyee, Iga qabo gantaalaha, Sida la ii qardoofsaday, Aan yara qiyaasee, Sidi qabax kala Saar, Bal qaboo sidaha fayd, Magacayga qarisaa, Ku qadhaabsataayaa, Sidii qoran ayay noqon, Imisaan qof ii maqan, Is lahaa ha qiil dilin, Imisaan qof ilaa faqay, Aan qiil Ku sooroon, Islaaha wax u qabbo, Imisaan qof Iga duday, Iga qariyay dhaayaha, Sida aan ugu qaas biday, Ku qasoobay aniguna, Imisaan qof ii daran, Anna aan yar qaariday, Oon qowl samaantana, Sidii ubax qurux badan, U qubin jiray ilwaadk...

Mid dawaysbaa timid

 ............. Yarkii aad dulayseed Shalay aad ku daadisay Show intuu dareen galay Dabadaa qof muu baran Durray weeyi caashaqu Loo diri qof loo dirro Damacii ii kaa helay Danba way igga kaa jaray Hadii aad digtoor hayd Ama dumar wax dheerayd Doogg,tiyo xanuunkii Mid dawaysa baan timid, Digtay waa markaygii, Durkay waa halkaagii Dadna waa ninkaagii Duni kaaga soo ifay Anna dòonistayadii Dookhaygii waan helay Dayaxii habeenaad Cadeed duhurabaa tidhi Ha iska damo nuurkii Dunta iyo xariirtii Guudka kaaga daahnayd Badwayntaan dalaq yidhi Danahaygii uma nicin Inkastood dabayshaday Xubigii ma maax dumin Ubixii dareemadda, Doox yada la jaar haa, Mar haduu ka door biday Dugufkiyo hadhaayada Ha u baxo si muuq daran Tallo ruuxii kugu daray Sowdigii ka dudi jiray Dadna moodi jiray wahel Dadna moodi jiray cadow Anna dooda igu furray, Dartay sowdigii nacay Dagmadaad ku noolaa Sowdigii dawaaf haa Cagta daalli yidhi socod, Hadaad daaqqadaa xigo, Dar alloon rakaab ahay Buska oo dad badan sida Sowdi...

Yamxeero

 MAANSADA YAMXEERO Sidii yaquud mudhay Yadan xareed jiiftiyo Yalkiyo neecowduna Ku yablastay foodhida Yamayskoo magooliyo Yaanyaduna bisishahay Sida loola yaabaan Anna aan kula yabaa Yaasminay quruxdaada Yusurkiyo  midabkaaga Yaafilkiyo  baarkaga Yalaxa  timahaagani Dabayshu  yaleexinayso Dhoolahagan  kala yarayn Yaqfaha  dhayda u eeg Codkiyo  yeedhmadaada Yabaqa  iyo sowdkaaga Luuqdiyo  yeerkaaga Aff  yamyam lagu sheegin Yuurka  iyo xishooka Yoolyoolka  laga qaado Dheeha  kugu yaallaa Hadaan  yarro faleeyo Yaxadho  ma tihid buuran Yiciis  maaha caata ah Yufka  iyo jaahaagu Yatiin  maaha dhuuban Qaayaha  laguu yeelay Waa  yool iyo amkaage Dhayaahaba  la yaabay Yacnii  laguma dhaafo Yoomkaan  ku arkaaba qurxdaada  yaqiinsaday La ii galay yamxeerada Yuuskiyo  calaacalkii Yulhankii  la heesoon Sida  koorta yucubeed Dhawaqeeda  yeedhmada Qalbigaygu...

Muquuno

 Maansooy abguurtee  Murtidii bal ii curi Soo mari awaaltiris Mahadhooy bal ii taran  Maqaawiirta eersoo Soo onkod miraalaha Maaxdaadii oodnayd Afka malabka ii saar Maankiyo uneexada Unugyada ku maaxoo Dhex muquuro eegoo Murugadan albaab saar Mugdigana ishaariyo Ilayskii ku meel mari Aff miciinsi biday goor Ku mataanee awaytida Naxwahana astaaniyo Erayada ku nuxur baadh Afmaladahana nuuriyo  Nal shiiqiya uga eeg  Afartaa alif iyo nuun  Afka nuuxsigiiysiyo  Odoroskii ku naaree  Ku  naxwee odhaahaha Mudantii affmiishaar Mahadhada ka odhan jiray Ku afsaar bal mooflaha  Ku maadiid aqoontii Maskaxdaadii awranayd Muska ooda soo jabi Ka dhac meel adkayd bari Aarkiyo  maroodigu Ku abaadshay maandeeq U miciin agoomaha Maantidan odorskiyo Ololaha ku madhatee Siyaasigu u meeraran, Maankan ulashadiisii Lagu ooday meel daran Dadkan meel ku engagay Mooralkoodu iibshee Ee mooshin jaceshee Mid mid ku eed furay, Dadkan wada maqluubka ah Xidhibaan u ...

Xeebasho

 Maanso Xeebasho Xalay weedha tabashada Xalin waayay gocoshada Xiisahayga muhashada Xadka waaga socoshada, Xiska doonay hanashada, Sugi waayay xeebashada, Xidhiidh aan tooyashaba, Lahayn xaalka du ashada Waxba maanku xilashaba Yuu danaynin xigashaba

Dibindaabyo

Markalay i dareentay U dabaalay jacaylku Markalay i dirnaatay Sidii wali dooran Si baas u duraantay Markalay dhab u daadi Diiqada kalgacaylka Ilmadeeda u duugtay baroorta ka daashay, Markalay dib u eegtay, Waxay ka dul booday, Ilayn dab abuuran Qofkii dabin la aa Daruurinta gaaska Ku sii dardaraayo, Ayaan olol daynin, Ilayn digri caashaq Qof aad u dalbayso Misana ku duceeya Habaar iyo daafad Qalbiga u dirnaada Ayaan doqon baasa Ilayn laba dookhu, Isku soo durkinaayo Hadana dabcigooda Dantooda ogaanin Ayaa dad u liita, Ilayn laba daa in Jacayl ku duraama, Misna dadab gaysta Habeen midi dooran Ayaa dib jiraaya Ilayn naf la daaray, Dareen ku asqowday Dawaafta habeeno Dayaxa ka ag toosta Ayaan ifkan dooran Ilayn qof dubaaqa Qofkii dagay wayday, Xiisaha qof dalbaysa, Ayaan dib u seexan Ilayn dawo ruuxa, Dabiib u qoraaya, Daneeya agteeda Hilowgu ku duulye, Qaraamiga duuban, U daara calaacal, Ilayn wacad daaha, Qalbiga u dirnaada, Qoftuu ku dagaayo Misana calaf diido Ayaan ladin duunka Afarta...