.............
Yarkii aad dulayseed
Shalay aad ku daadisay
Show intuu dareen galay
Dabadaa qof muu baran
Durray weeyi caashaqu
Loo diri qof loo dirro
Damacii ii kaa helay
Danba way igga kaa jaray
Hadii aad digtoor hayd
Ama dumar wax dheerayd
Doogg,tiyo xanuunkii
Mid dawaysa baan timid,
Digtay waa markaygii,
Durkay waa halkaagii
Dadna waa ninkaagii
Duni kaaga soo ifay
Anna dòonistayadii
Dookhaygii waan helay
Dayaxii habeenaad
Cadeed duhurabaa tidhi
Ha iska damo nuurkii
Dunta iyo xariirtii
Guudka kaaga daahnayd
Badwayntaan dalaq yidhi
Danahaygii uma nicin
Inkastood dabayshaday
Xubigii ma maax dumin
Ubixii dareemadda,
Doox yada la jaar haa,
Mar haduu ka door biday
Dugufkiyo hadhaayada
Ha u baxo si muuq daran
Tallo ruuxii kugu daray
Sowdigii ka dudi jiray
Dadna moodi jiray wahel
Dadna moodi jiray cadow
Anna dooda igu furray,
Dartay sowdigii nacay
Dagmadaad ku noolaa
Sowdigii dawaaf haa
Cagta daalli yidhi socod,
Hadaad daaqqadaa xigo,
Dar alloon rakaab ahay
Buska oo dad badan sida
Sowdigii ka dagi jiray
Kibirkiyo dinaaxigga,
Doqon yaa jeclaan jiray
Ku daayay i odhan jiray
Si baas iigu diggan jiray
Markaad sii dagaysanna
Sidii aan dabaal haaa
Lacagtaa annaa dirray
Dirawalka ku odhan jiray
An heshiino deeqaay
Waa duniye abaal dhigo
Si kastaba ku daakiray
Ergo kuugu soo diray
Dibse waa markaagii
Waa dareentay xaalkii
Inaan daacad kuu haa
Kii isku keen diray
Waad ogaatay dabaday
Darajaduu kuu taagnaa
Comments
Post a Comment