Maansooy abguurtee Murtidii bal ii curi Soo mari awaaltiris Mahadhooy bal ii taran Maqaawiirta eersoo Soo onkod miraalaha Maaxdaadii oodnayd Afka malabka ii saar Maankiyo uneexada Unugyada ku maaxoo Dhex muquuro eegoo Murugadan albaab saar Mugdigana ishaariyo Ilayskii ku meel mari Aff miciinsi biday goor Ku mataanee awaytida Naxwahana astaaniyo Erayada ku nuxur baadh Afmaladahana nuuriyo Nal shiiqiya uga eeg Afartaa alif iyo nuun Afka nuuxsigiiysiyo Odoroskii ku naaree Ku naxwee odhaahaha Mudantii affmiishaar Mahadhada ka odhan jiray Ku afsaar bal mooflaha Ku maadiid aqoontii Maskaxdaadii awranayd Muska ooda soo jabi Ka dhac meel adkayd bari Aarkiyo maroodigu Ku abaadshay maandeeq U miciin agoomaha Maantidan odorskiyo Ololaha ku madhatee Siyaasigu u meeraran, Maankan ulashadiisii Lagu ooday meel daran Dadkan meel ku engagay Mooralkoodu iibshee Ee mooshin jaceshee Mid mid ku eed furay, Dadkan wada maqluubka ah Xidhibaan u ...
Halkani waa madal u gaar ah,suugaanta hal abuur maxamed murtaawi