Ruux jacaylku laalays Igu yeedhaybaa lumin, Intu laagga fuulanna, Lib ka gaadhin caashaqa Qof dareenku lihmayoo, Laac laac ku noolbaan, Intu laas xareer badan, Ajjo liqqo ku oon bixin Nin uu lowgu jabayoo, Looga tagay cadawaa Intu luggo miciinsado, Libdhin orodka dheerayn Ruux laydha fooraha, Dhalin yaro ku loofara, Waayaha lagdoo barro, Wuxuu yahay ladnaashu, Qof soboolku laagoo, Iska lada habeenkii, Samirkaa ku leexiya, Lacagtiyo badhaadhaha, Anna labada goorood, Isku maan lugaynayn Hanti iyo la yeeshaan, Wuxu aadmi laasimo, Adaan ku lignaan jiray Ladaneey adaa haa, Laydhka aan ku kaca oo, Ladaneey adaa haa, Laanbadii qalbiga oo, Luul igga dhici abidd, Ladaneey adaa haa, I labeeyahaygoo, Ladaneey adaa haa, Laab daweeyahaygoo, Ladaneey codkaagaa, Jawigu igu ladhaayoo, Saxaneey la aantaa, Lumay oo mabaan kicin Waxan ahay qof laajiya Lohon iyo haraad qaba, Waxan ahay qof laadiya, Qudhii kuba lamaanayd, Anoo laab kacayaan Wali luudayaa kali, Waxan laacayaa badi, Lubigii xabaal...
Halkani waa madal u gaar ah,suugaanta hal abuur maxamed murtaawi