Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Maanso Mid dawaysbaa timid

Mid dawaysbaa timid

 ............. Yarkii aad dulayseed Shalay aad ku daadisay Show intuu dareen galay Dabadaa qof muu baran Durray weeyi caashaqu Loo diri qof loo dirro Damacii ii kaa helay Danba way igga kaa jaray Hadii aad digtoor hayd Ama dumar wax dheerayd Doogg,tiyo xanuunkii Mid dawaysa baan timid, Digtay waa markaygii, Durkay waa halkaagii Dadna waa ninkaagii Duni kaaga soo ifay Anna dòonistayadii Dookhaygii waan helay Dayaxii habeenaad Cadeed duhurabaa tidhi Ha iska damo nuurkii Dunta iyo xariirtii Guudka kaaga daahnayd Badwayntaan dalaq yidhi Danahaygii uma nicin Inkastood dabayshaday Xubigii ma maax dumin Ubixii dareemadda, Doox yada la jaar haa, Mar haduu ka door biday Dugufkiyo hadhaayada Ha u baxo si muuq daran Tallo ruuxii kugu daray Sowdigii ka dudi jiray Dadna moodi jiray wahel Dadna moodi jiray cadow Anna dooda igu furray, Dartay sowdigii nacay Dagmadaad ku noolaa Sowdigii dawaaf haa Cagta daalli yidhi socod, Hadaad daaqqadaa xigo, Dar alloon rakaab ahay Buska oo dad badan sida Sowdi...