Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Maanso Qab Iyo Isla wayni

Qab iyo isla wayni

 MAANSADA QAB IYO ISLA WAYNI Noloshuba qadhaadhiyo, Macaan la isku qooshiyo, Malab qaasa weeyaan, Marna waa qardoofiyo, Qarfo lagu samraayoo, Lagu qadayo weeyaan, Dadna waa qareeniyo, Qaar kula facaa iyo, Saaxib lagu qasaariyo, Mid qaniya weeyaan, Murti waa qoraaliyo, Qodobada wax sheegliyo, Sida qasabka oo kale, Ruuxba inta uu qotiyo, Hibo qubata weeyaan, Marna waa qaraamoo, Weedh lagu qiroodiyo, Hees lagu qaxweeyiyo, Quud awliyo weeyaan, Weedh wayday qaydkiyo, Afartaa qamuunyada, Qasab kuma balweeyee, Iga qabo gantaalaha, Sida la ii qardoofsaday, Aan yara qiyaasee, Sidi qabax kala Saar, Bal qaboo sidaha fayd, Magacayga qarisaa, Ku qadhaabsataayaa, Sidii qoran ayay noqon, Imisaan qof ii maqan, Is lahaa ha qiil dilin, Imisaan qof ilaa faqay, Aan qiil Ku sooroon, Islaaha wax u qabbo, Imisaan qof Iga duday, Iga qariyay dhaayaha, Sida aan ugu qaas biday, Ku qasoobay aniguna, Imisaan qof ii daran, Anna aan yar qaariday, Oon qowl samaantana, Sidii ubax qurux badan, U qubin jiray ilwaadk...