Skip to main content

Qab iyo isla wayni

 MAANSADA QAB IYO ISLA WAYNI


Noloshuba qadhaadhiyo,

Macaan la isku qooshiyo,

Malab qaasa weeyaan,


Marna waa qardoofiyo,

Qarfo lagu samraayoo,

Lagu qadayo weeyaan,


Dadna waa qareeniyo,

Qaar kula facaa iyo,

Saaxib lagu qasaariyo,

Mid qaniya weeyaan,


Murti waa qoraaliyo,

Qodobada wax sheegliyo,

Sida qasabka oo kale,

Ruuxba inta uu qotiyo,

Hibo qubata weeyaan,


Marna waa qaraamoo,

Weedh lagu qiroodiyo,

Hees lagu qaxweeyiyo,

Quud awliyo weeyaan,



Weedh wayday qaydkiyo,

Afartaa qamuunyada,

Qasab kuma balweeyee,

Iga qabo gantaalaha,

Sida la ii qardoofsaday,

Aan yara qiyaasee,


Sidi qabax kala Saar,

Bal qaboo sidaha fayd,

Magacayga qarisaa,

Ku qadhaabsataayaa,

Sidii qoran ayay noqon,



Imisaan qof ii maqan,

Is lahaa ha qiil dilin,

Imisaan qof ilaa faqay,

Aan qiil Ku sooroon,

Islaaha wax u qabbo,

Imisaan qof Iga duday,

Iga qariyay dhaayaha,

Sida aan ugu qaas biday,

Ku qasoobay aniguna,


Imisaan qof ii daran,

Anna aan yar qaariday,

Oon qowl samaantana,

Sidii ubax qurux badan,

U qubin jiray ilwaadkoo

qulqul aan Ku leexshoon,

Ka ilaashay qoontana,


Waase ii qornaydoo,

Qasaaraa mar faa ida

Quwadiyo biyaha badan,

Ubaxaa Ku qaadhee,

Ha wada qiiman aadmiga,


Dadka qaar waxaan jira,

Qarniyada loo nool yahay,

Kaa qubo wixii wacan,

Himilidaada qaawiya,

Dadka qaar waxaan jira

Ku qoonsada kolkaad,

Ka lug qaad horaysoo,

Sharaftaada quudhsada,


Dad qaar waxaan jira,

Ku qilaafa goortaad,

Ka yara qoor saraysoo,

Ku hadaaqa qadafkaa,


Dadka qaar waxaan jira,

Kula jecel qamuuntoo,

Milgahaaga qoomoo,

Ku qasoobay toodii,


Dadka qaar waxaan jira,

Ku qoonsada Ku qiimayn,

Xumahana kuu qoofalan

Doorkaaga qarin rabba,


Dadka qaar waxaan jira,

Sida qorax u nuur badan,

Xisti wayna kuu qabba,

Oo qosolka kugu dagga,


Badanaa dad qaariban,

Badanaa dad qaawilan,

Badanaa qof kuu daran,

Aduunyadu qaribanaa,


Qalad iyo dhib waynaa,

 Dad qaac shidi ogaa,

Qooto qooto jecelaa,


Mahadha qubi ogaa,

Qabyana u guuri ogaa,

Qafal iyo huq darnaa,


Qolqol nabadi taalana,

Dab qabadsiini ogaa,

Qaadirow raxmaanow,

Nafluhu qaaq badanaa

Comments