MAANSADA TIRIIG HALDHAA 2014 Inaa tahay tiriig baxay Goortaan tilmaansaday Nolol taabi kari waa Xalna toosin kari waa Caashaqaagu taagiyo Taaluu is saaroo Naf tacaasha mooyee Hali waa tusaalana Timir geed ku taaliyo Sida tahay tufaaxbaan Kugu taamayaayoo Qalbigaad ku taalaa Markii aan ku tacajabay Wajigaaga tooshka ah Nuurka tuuraaya Dabnahaaga tukhulka ah Hadal wada tiraaboo Tixi ay ku ladhan tahay Sunayaasha talmoonee Lagu tawaaday qalinkiyo Timahaaga dheeree Ka daandagay tararada Qoorteeda takhankiyo Lagu taxay siliskiyo Lafayahaya talaabada Xaragadu ku taalliyo Horaadaan kala tagin Dhexda taako qabadka ah Waxa aan ku tilaamaba Garan waa tiriigeey Tafiirtii suleekhoo Qurux loo tabiyaay Xuralcayn ka timid Togogii janadaay Tuska roob hilaacoo Dhulka tiix ku maydhaay Dhirta oo tarantoo Tabinaysa ubaxaay Gobta dumar u talisiyo Tusmadii kalgacalkaay Taashkii bureeqoo Loo wada tartamayaay Mida looga tagayeey Bilic laga tafniidaay Mida l...
Halkani waa madal u gaar ah,suugaanta hal abuur maxamed murtaawi