MAANSADA TIRIIG HALDHAA 2014
Inaa tahay tiriig baxay
Goortaan tilmaansaday
Nolol taabi kari waa
Xalna toosin kari waa
Caashaqaagu taagiyo
Taaluu is saaroo
Naf tacaasha mooyee
Hali waa tusaalana
Timir geed ku taaliyo
Sida tahay tufaaxbaan
Kugu taamayaayoo
Qalbigaad ku taalaa
Markii aan ku tacajabay
Wajigaaga tooshka ah
Nuurka tuuraaya
Dabnahaaga tukhulka ah
Hadal wada tiraaboo
Tixi ay ku ladhan tahay
Sunayaasha talmoonee
Lagu tawaaday qalinkiyo
Timahaaga dheeree
Ka daandagay tararada
Qoorteeda takhankiyo
Lagu taxay siliskiyo
Lafayahaya talaabada
Xaragadu ku taalliyo
Horaadaan kala tagin
Dhexda taako qabadka ah
Waxa aan ku tilaamaba
Garan waa tiriigeey
Tafiirtii suleekhoo
Qurux loo tabiyaay
Xuralcayn ka timid
Togogii janadaay
Tuska roob hilaacoo
Dhulka tiix ku maydhaay
Dhirta oo tarantoo
Tabinaysa ubaxaay
Gobta dumar u talisiyo
Tusmadii kalgacalkaay
Taashkii bureeqoo
Loo wada tartamayaay
Mida looga tagayeey
Bilic laga tafniidaay
Mida loogu tumayee
Tusmo loogu heesaay
Mida xubi talaashee
U tabisay dhiigaay
Mida la igu toogteen
Tabantaabinaayaay
Yarta la ii tigtigee
La ii tabcinayaay
Yarta aan u tooseen
hurdada u tawalaay
Yartan towsta aan qabo
Igu sheegtay tixa haay
Yartan waayahay togan
Uga tagay haweenkaay
Nin tabtaan ahee garo
Jacayl tooxee bal maqal
Todobaatan jeerbaan
Kugu sheegay tuducyoo
Muxibada taqsiimee
Ma ii taahi doontaa
Taariikhda caashaqa
Ma ku dari tacliintoo
Ma turxaami doontaa
La aantay tabaalaha
Ma I tabi kolaan tago
Taysareey malabeey
Taakulo jacayleey
Tamartii naftaydaay
Midaan tiigsanaayaay
Teegaaro mug wayneey
Tabantaabo dheereey
Ruux tacab loo huraay
Tayadii noloshaay
Caashaqu waa tuhune
Intaanu ii tar sheegan
Ayaheena ka taliyoo
Ila tusmee reeroo
Taran aynu beernee
Ha tisqaado jacaylkuye
Todobaatan dumaraan
Adi kaa tilmaansadee
Kaaga taxandoodoon
Anfac kaaga tuugmee
Turugsiga haweenkana
Ha ii tag xumanine
Towstiyo xanuunkiyo
Tawaawaca iga saaroo
Tookha iga daayoo
Iga dhowr tiraanyada
Caashaqeena tiriigeey
Maruun taabo galiyoo
Tiiciyo walaacana
Tolonaha u fidiyoo
Ila tuuji wacadkoo
Waa taar noloshiyoo
Qoraal ku taagane
Intaad teerigiyo
Ka dhicin taag dheer
Turuqyada ka jabin
Nin kaleeto kula tagin
Anna aan tabaalaha
Jacaylkaa tasoobuun
Uga tagin aduunyada
Taladaydan dhowroo
Ila tuuji caashaqa
Ma tiraabi karayee
Ma turxaami karayee
Nolosheena taran tari
Ha dhigin badh kuma taal
Comments
Post a Comment