Skip to main content

Lugooyo

 Ruux jacaylku laalays

Igu yeedhaybaa lumin,

Intu laagga fuulanna,

Lib ka gaadhin caashaqa


Qof dareenku lihmayoo,

Laac laac ku noolbaan,

Intu laas xareer badan,

Ajjo liqqo  ku oon bixin


Nin uu lowgu jabayoo,

Looga tagay cadawaa

Intu luggo miciinsado,

Libdhin orodka dheerayn


Ruux laydha fooraha,

Dhalin yaro ku loofara,

Waayaha lagdoo barro,

Wuxuu yahay ladnaashu,


Qof soboolku laagoo,

Iska lada habeenkii,

Samirkaa ku leexiya,

Lacagtiyo badhaadhaha,


Anna labada goorood,

Isku maan lugaynayn

Hanti iyo la yeeshaan,

Wuxu aadmi laasimo,

Adaan ku lignaan jiray


Ladaneey adaa haa,

Laydhka aan ku kaca oo,

Ladaneey adaa haa,

Laanbadii qalbiga oo,

Luul igga dhici abidd,


Ladaneey adaa haa,

I labeeyahaygoo,

Ladaneey adaa haa,

Laab daweeyahaygoo,


Ladaneey codkaagaa,

Jawigu igu ladhaayoo,

Saxaneey la aantaa,

Lumay oo mabaan kicin


Waxan ahay qof laajiya

Lohon iyo haraad qaba,

Waxan ahay qof laadiya,

Qudhii kuba lamaanayd,


Anoo laab kacayaan

Wali luudayaa kali,

Waxan laacayaa badi,

Lubigii xabaal galay,


Sawir aan lumaynbaan

Ku lignaaday maankoo

Lakab lakab xasuusaa,

Leefleefay ruuxdee


Sidu love ku haa bari

Isku lulashadeenii

Xalad igu ladhaysoo

Dayaxaan la showraa,

Cawaysyada la qaataa,


Sida liin macaantii

Ka lulatay meel dheer

Kuma laaci kara oo

Lisay oo dareenkii

Igu loogtay dunidii


Adna laydha fooruhu,

Leexada ku saartoo,

Farxad ku lahaatoo,

Luflufkii ka hoyatee


Labkay ani ahaatee

Dartaa layl cataabee

Libidh waayahaygii

Laakiin kumaan halin


Talo way igu liicdee

Dadka lama lugooyoo

Lama liido aadmiga

Qof lilaahi kuu jecel

Hanka lagama sii dillo


Lama wiiqo ruuxii,

Laabtiisa kugu qoray,

Qofka aad la wayn tahay,

Lama geeyo meel daran,


Lama loogo ruuxii,

Adi calanka kuu lulla,

Marka uu yar liitana,

Laxash laguma sii sido,


Qalbi kugu ladnaadoo,

Jacaylkaagu laasimay,

Lama bado dhibaatiyo,

Lurka dunida yaallee,


Naftan liicday awgaa,

Lama xiise lumiyoo,

Qalbi kugu lamaanaa,

Laxow laguma dhaafee,

Waa lala lib gaadhaa


Erayada Mohamed Murtaawi 2020

Comments