Skip to main content

Muquuno

 Maansooy abguurtee

 Murtidii bal ii curi

Soo mari awaaltiris

Mahadhooy bal ii taran


 Maqaawiirta eersoo

Soo onkod miraalaha

Maaxdaadii oodnayd

Afka malabka ii saar


Maankiyo uneexada

Unugyada ku maaxoo

Dhex muquuro eegoo

Murugadan albaab saar


Mugdigana ishaariyo

Ilayskii ku meel mari

Aff miciinsi biday goor

Ku mataanee awaytida


Naxwahana astaaniyo

Erayada ku nuxur baadh

Afmaladahana nuuriyo

 Nal shiiqiya uga eeg


 Afartaa alif iyo nuun

 Afka nuuxsigiiysiyo

 Odoroskii ku naaree

 Ku  naxwee odhaahaha


Mudantii affmiishaar

Mahadhada ka odhan jiray

Ku afsaar bal mooflaha

 Ku maadiid aqoontii

Maskaxdaadii awranayd


Muska ooda soo jabi

Ka dhac meel adkayd bari

Aarkiyo  maroodigu

Ku abaadshay maandeeq

U miciin agoomaha

Maantidan odorskiyo

Ololaha ku madhatee

Siyaasigu u meeraran,


Maankan ulashadiisii

Lagu ooday meel daran

Dadkan meel ku engagay

Mooralkoodu iibshee

Ee mooshin jaceshee

Mid mid ku eed furay,


Dadkan wada maqluubka ah

Xidhibaan u mehersaday

Milyan kani kala adag,

Ee  mooye mooye

Igadaada miciinsaday


Dad kan wada i daada ah,

Ee wada ilowga ah,

Dad kan i arkaayda ah,

Ee wada ataaga ah,

Mar na wada ilaaqda ah,

Ee aafo jecesha ah,

Aqbalaada miidhana,


Wada eray saluuga ah,



Comments