Skip to main content

Yamxeero

 MAANSADA YAMXEERO


Sidii yaquud mudhay

Yadan xareed jiiftiyo

Yalkiyo neecowduna

Ku yablastay foodhida

Yamayskoo magooliyo

Yaanyaduna bisishahay

Sida loola yaabaan

Anna aan kula yabaa


Yaasminay quruxdaada

Yusurkiyo  midabkaaga

Yaafilkiyo  baarkaga

Yalaxa  timahaagani

Dabayshu  yaleexinayso

Dhoolahagan  kala yarayn

Yaqfaha  dhayda u eeg

Codkiyo  yeedhmadaada

Yabaqa  iyo sowdkaaga

Luuqdiyo  yeerkaaga

Aff  yamyam lagu sheegin

Yuurka  iyo xishooka

Yoolyoolka  laga qaado


Dheeha  kugu yaallaa


Hadaan  yarro faleeyo

Yaxadho  ma tihid buuran

Yiciis  maaha caata ah

Yufka  iyo jaahaagu

Yatiin  maaha dhuuban

Qaayaha  laguu yeelay

Waa  yool iyo amkaage

Dhayaahaba  la yaabay

Yacnii  laguma dhaafo


Yoomkaan  ku arkaaba

qurxdaada  yaqiinsaday

La ii galay yamxeerada

Yuuskiyo  calaacalkii

Yulhankii  la heesoon

Sida  koorta yucubeed

Dhawaqeeda  yeedhmada

Qalbigayguna  yulqamay

La yalaalugow jacaylka

Cidladaa  yaxoobsaday

Yabaqbaa  ibaxay dheer

Qurcudkoo yal yidhibaan

Dadku iga wada yaxyexoo

Yacaygaa  dhex jidhoon

Dhul uu yaal silcbaan

Yu adkiyo jibaadkii

Jacaylkaad yaraysaan

La yuhansadoon daradaa

La yahoon haraadoo

La yururay duleedkaas

Yoomalkaaf   ku gaadhay

Waan  la yabax liitoon

Quluubtuu  dhex yaaluu

Sidii  yaxaas u rudhay

Yamiisbuu  ka dhigtoo

Siduu  rabuu ka yeelay

Dhiiguu  dhex yaacoo

Dubkuu  yaryaraystoo

Yaaliinbuu  ku simay


Saxiib  yaxye yabaashow

Qofka  ilyar ugu fiirshaa

Wuu  i yaqiinsan waayaa

Wuu  ila yaabgunuusaa

Wuu  ii dhaliil yamxeera

Wuu  ii dhawaq yasiraa

Dhugay  ima yeeshee

Sidaan  ahay yuxuudbuu

Hankaygiiba  yooloo

Qataar la yuucanahay


Yilidaa  samada duushaay

Adaa  dhulka kala yaqaane

Yasmiin  fariin iga geeyoo

La  i yaryaree gabigay dhe

Yamyam  laga siiba  dhe

Awgaa  la yibidhsadee dhe

Yamanbuu  u qayshee dhe

Yoolbuu  muquurshee dhe

Taahbuu  la yibidhsadee dhe

Waadhka ayuu yalaa dhe

Yaqaflahuu  la simay dhe

Yoosaha  qiraduu  dhe

Tiicbuu  ku yabaalshee dhe

Yoolbuu  muquurshee dhe

Ma  yutucsado himilo dhe

Yididiilo  ma helin dheh

Annu  kuma yaseen dhe

Sidaa  kama yeeleen dhe

Is yeelyeelka igadaa dhe

Yaxaasbaa I rudhayee dhe

Yaybaa I weerartee dhe

Yurbaan  ka odhanlaahye

Reer  ila yagleel dhe

Yaradbaan  soo wadaa dhe

Wadadaadu  ha yimaadane

Yasiinka  ha lamariyee dhe

Waa yahay  maruun dhe


Comments