Skip to main content

Hurgumo.

 Maanso Hurgumo


Ha iska heeso ruuxii

Halasaha jacayl qaba

Ha hiqleeyo ruuxii

Lagu hayo meel daran


Hana qoro awaal tiris

Ha u dhigo siday tahay

Ha u dhowro caashaqa

Intaa hadhay ee badan


War la hayo sidiisaba

Kama hadho wax sii jira

Wax la hubo siday tahay

Qof u sheegay muu hadhin


Anna hannashadaydii

Hanaan qurux ilwaadkii

Inkastooy haldoor tahay

Waxba yay haboonaan

Naftan hiiftaybaa tidhi


Hogashii daroortaay

Iska hayso dhibicii

Ha ii di in habeen qudha

Hami diidayaa yidhi


Haaneedkii irmaanaa

Yuu buuxin hadhuubada

Dib u hayso godolkii

Damiir hoogaybaa yidhi


Heemaalkii I jiitow

Ha soo marin halkiiyoo

Dib ha u hilaac badan

Hankan quustaybaa yidhi


Hibaaqii widhwidhayow

Igadaa halaalaca

Kuma hayo wax xiisee

Hilib qoomanbaa yidhi


Ha ka tagi wax ii mudan

Humaagii wacnaayow

Ha ii goc sidaadaba

Qalbi holcayabaa yidhi


Afartaa hurgumahaygiyo

Halistaan dhex jiifiyo

Hasaawe badan tii

Igu heshay aduunyada

Libin hoogtay ku asqee


Hadii aan huray maanka

Oo kuu saaray hadayda

Hoy kaaga dhigay qaali

Oo marin habowgayga

Hilin kaaga soo qaaday


Ma inaad i halakayso

Habratood i jiidhjiidho

May kula haboonaatay

Mise way kula a haatay


Waxaad ii haboonaato

Sow  hiilba kaa waayay

Maxaan kaa hor joogi

Maan kaa haybaysan


Intaan kuu heesaayay

Adna kibr hiftaa haysay

Ana qubtay howraartaydu

Waxa ii hadhayba waa qiiro


La hoyatay farxad oo dhan

Qosol kuma hagaagaayo

Wax hagaagay mana sheegto

Haday hadhay duniyoo dhan


Hibashana ma daynaayo

Ma helay ma quus gayso

Naftaad heertay ee hoysay

Halna way i seegtee

Hadhaageedu ba anaa


Heegayahay daroortaa

Ma ka samir haldhabaa

Heemaalyahay i jiitaa

Ma hiqlee darteedbaa


Comments