Skip to main content

Waydaaro dhankayga !!

Way-daaro dhankayga !!

Waa qalbi hadlaaya oo dhowr jeer la qoomay,dareenbaa ka yeedhsiiyay waana uu xog-waramay isaga ood moodo inuu iga baqaayo, igama rajaynaayo inaan wax uu ku dago ka qori doona wuu igala meermeeray qisadiisa haddana wuu iga  aamusi kari waayay,wuu holaday hoos ayuu u foorarsaday si uu ka xun yahay waxa ku dhacay iyo sida uu u waayay qudhii uu naftiisa ka jeclaaday.

Goor fiida ayaanu kulaynay,si aan isku xog waraysano oon iskugu waayo warano. Isagga ood moodo inaan dhowr bari waxba cunin. 

Waxa aan cabaar fadhino, shaahiina na hor yaalo ayuu hadal hoose igu yidhi heblaayo waanu kala tagnayn, heblaaya aa oo helblaayadu waa tuma gabdhii aad isku kaaya ogoyd een iskiin baray.

Waa runtiiyoo dhowr jeer ayuu na kulansiiyay anigoo isaga la socda, waanu iskaaya baray waa gabadh aan anigu isla jeclaa inay nolol ku midoobaan mustaqbalka, way qurux badnayd,oo waxa ay ahayd boqorad, qofkii arkaaba ku dhaayo furanaayo, waxay ahayd qof diin iyo akhlaaq leh, waxay ahayd qof fur-furan oo dabeecad wanaagsan dad la dhaqan fiican leh, wax ay ahayd haldhaa soo jiidasho leh marti soor fiicin habeen ay gurigooda nagu casuuntay si wanaagsan ayay noo soo dhaways, waan xasuustaa habeenkaa waxay i waydiisay dhowr su,aalood ayay ka mid ahayeen" wali miyaanad guursan ? iyo maxaad ka shaqaysaa ?"kuwaasi waa weedhaha kaliya een ka xasuusto kulankii habeenkaas ee  igu dhaliyay inay  xusuus igu lahaato.

Intaa marka uu i yidhi saaxibkay,wali waa fooraara hadalkii ayaan aniguna ku celcelinayaa saxiib runta ii sheeg ? ma dhici karto !! maxaa sababay inaad kala tagtaan? hadana telefoonkii ayuu furay,si ii tuso fariimihii ugu danbeeyay ee ay is waydaarsadaan.

Kuwaas oo ah kuwo wax  rajo ah oo iskugu hadhay ka muuqan waan eegay oo sare iyo hoos ayaan u raacay, dhabaalo xanuun badan oo aad murugtooda akhriyi karin,ayay is dhaafsadeen,sacaado ayaan anfariiray,annigoo kalna moibaylkiisa  eegaya marna isaga eegaya foolkiisa  aad moodo inuu qabri ku soo dumay.

Qoraaladii aan habeenkaa mobilkiisa ka akhriyay ,waxa aan ka xasuustaa dhabaal ayay iyadu u soo qortay oo u dhignaa sidan "Adiga wax qallada ma lihid,ee waa aniga waanan ku saxnahay,inaan noloshaada ka fogaado waayo qof aan u qalma ma tihid oo waan kaa xiiso dhacay.  " ..

Iyo fariin uu isna ugu jawaabay isagoo wali u baahan inayn nolosha la qaybsato waxay ahayd " Wali waad iga sii fogaanaysaa adoon sababta ii sheegin "

Labadan fariimood waxay ii ahaayeen ibo furka tixdan aan xagga hoose ku xusay magaceeda,inkastoon wada dhamayn baydadka maansada saaxiibkay, hadana dhowr habeen ka dib ayaanu kulanayn oo dhowr meeris uga mariyay anigo ugu laab-qaboojinaaya,inaan curiyay tix isaga dareenkiisii ka waraymaysa. 

Cabaar ka dib ayuu ii sheegay war kalle oo xageeda kagga yimid oo gabadh ayay iyada saxiib ahaayeen ugu soo dirtay qaab qoraal ah fasbuugiisa.

Fariintaas oo ahayd in hebla la soo doonaayo maalinta khamiista ah,oo ay isagaba ka tashatay,maalmaha soo socda noqon doonta marwo la qabo. 
Argagax waynaa oo maqashaybaa gabigayguba waan baxay oo mooyi meel aan tagay, inta aan ka naxay waligay kama nixin qof kalle saxiibkay ayay u niyad qaboojiyay waxa aanan u sheegay inuu calaf ka adeegay oo iska iloobo anna aan ka hadli doono qisadiisa.

Maalmo ka dib waa la soo doonay oo sidii caadada ahayd baraha bulshada ayay qabsatay, waa lagu kala hagaagay aniga iyo saxiibkay murug ayaan albaabada u xidhanayn, waxa aan isku dhaafinayn heesba heestay ka calaacal wayn tahay waanu isla qaybsanay murugta sidaa aan awalba iskula qaybsanay jirnayn  maalmaha farxada leh.

Habeeno ayaanu tacsi caashaq fadhinayn,anagoo ka toobad keenayn inaan gabadh danbe jeclaano, waan gaaf wareegnay ilaa ay cagguhu naga daalayeen, waanu qiiroonay oo aan boholyownay wuxu iga sheekeeyay xiisaha iyo bisaylka uu u qaadi jiray,todobaadka ayay kala maqan yihiin,mararka qaar ayuu daartay cododkii ayay u soo duubi jirtay, isagoo ka dayaaya ladh bogsiin, mararka qaarna wuu canaantaa isagoo odhanayaa " waad i lugaysay oo waad i khiyaantay qalbigygana waad dhaawac laakin waan ka bixi doonaa maruun way ku soo gaadhi doontaa fariinta aan caawa ku soo dirayaa.

Mudo 4 sano ah oo uu jamacad ku maqnaa ismaanu arag saaxibkay waanu kala baadnay oo sidii hore iskuma xidhiidhino mar iyo dhif ayaan khadka iska sallaanaa, laakiin igama sheekeeyo wax iyada ku saabsan anna ma xasuusiyo waayo ma rabo inaan dab ku shido isaga oo faraxsan.

Goor habeena ayuu i soo wacay wuxu igu yidhi kumee saaxiib waan joogaaye, waxaan ku yidhi halkeed joogtaa saaxiib? wuxu si dag-dag ah ii yidhi Magaalada halkii aan habeenkii fadhiisan jirnayn ayaan kugu sugayaa, cabaar ka dib waxa aan gaadhay goobtii aan ku balanay.

Waxa aan judhiiba dhaayaha saaray ninkii oo gadhaystay, oo aad isku badalay, oo qosal iyo raandhiis badan ka muuqdo. Waayo wuxu ii sheegay, inuu helay qof ka wanaagsan qoftii uu shalay u ooyaay isaga oo wali afkiisa hadalkii ka sii dhamaan ayay soo wacday waxa igu yidhi bal eeg maxaan ku sheegay "dumashidaa waa raaliyo" hadaan helay taan u howl galay "hello mcnaanto '   i yar sug wax yar wiil aan saxiib nahaa ila joogee aan kuggu soo celiyee ".

Telefoonkii ayuu dhigay wuu ii soo jeestay isagoo igu leh wali sidaadii ayaa tahay ismaad badalin waxa aan is xaal waraysanaba,waayo aanan muddo kansho badan isku maanu helin.,ilaa iga waramay gabadhii laga guursaday halka ayay ku danbaysay.

Waxa uu ii sheegay in gabadhii la soo furay oo ay ninkii is qaban waayeen dibna ay ugu soo noqotay reerkoodii intaas uun kuma ayay joogine ilaa ayay isaggii dib ila soo hadashay iyadoo ku leh, "waan kugu gafay,nafsibaan kaa galay,dib ayaan ka ogaaday inaad qof wanaagsan ahayd anna dag-dag u i qaaday sidee u aragtaa inaan isku soo noqono" 
Aniga oo fariintan mobile kiisa ka akhrinaaya kana naxsan hadalada gabadha ka soo yeedhaya,oo dhana ka yaaban ayaan ku yidhi "adna maxaad ugu jawaabtay"? wuxu igu yidhi maxaan igu jawaabaa adaan tallo kaga fadhiyaaba oon caawa sidaa owgeed kugu yeedhee.

Habeenkaa wixii ka danbeeyay ayaan dhamays tiray, maansadan ( Wadhi ) oo micnaheedu yahay dhibaato dhibaatadaas oo ku dhacaday,wiilka aan saaxibka ahayn een qisdiisa idiinka waramay maansadu waxa ay odhanaysaa sidann. "

Warkeeda aduunyo
Ayaa wiigba cayna
Waayaaha kala jaada
Waxyeelada teeda
Ayaa wacyi reeba

Wixii kula fiican
Ayaa qof la wiiqsan
Wixii kula wayyda
Ayaa qof la wayne
Sidan kuba waayay
Ayaan waxba hayne

Waswaaska jacaylku
Naf aanu wareemin
Maraan yar wadaagnay
Maxaan wadhi doontay

Haduu wahsi beeray
Qalbigu I waraystay
Waanwaan igu biirshay
Waynaaday xidhiidhku
Waxaan sugo waayo
Wakhtaa igu koobmay
Wajiiro ii leexshay


Wacantaan sugaayay
Wasladaan u haneeyay
Waxyeelo dareentay
Wadhidii kalgacaylka
Wabixii iga gaadhay
Wali wuu istaaye

Markuu wajigeedu
Ii soo widhwidhaayay
Maxaan wadhi doontay
Maxaan hadba waaga
Sidii wacan raadshay
Ka waantoobi waayay

Qalbi dila warkeeda
Ma waabin karee
Waxaan kaga daahi
Wixii dhib I gaadhay

Wanjalaada haweenku
Nin waalan ma seegto
Maxay raga waadhadh
 Waarabe ku siiyeen

Weegaray dulucdayda
Wanjeertay calaalcal
Wuxuu cishqi keenay
Sidii wadhaf tuuray
Waaqluhi codka liita
 Waraqsiga diid yeh

Wardigiyo quraanka
Wadaadku ma daayo
 Ruuxna wacadkiisa
Qof kale ma wanaajo

Sidaan kugu waabtay
 Adoo wadnahayga
Waraabshay jacaylka
 Miyaad iga weecan


Weedhaan tabinaayo
Qalinkii wadi waaye
Waraaqdii ma oyday

Hadaan wabi raacsho
Wadann kale aadda
Waraaqaha caashaq
Dadkaa igu wiirsan
Wallee ila yaabi

Hadaan wadho suuqa
Waxaan qoray xaashi
Wargaysyada oo dhan
  Ayaa laga weecan

Waayeel dhaban haysta
   Ilinta wadi doona
  Sidii waqal hooray
 Wiilasha qoyn doona

Aheey jacayl wiirsi
Ka wayn isku fiirsi
Waraaqiyo taahe
Maxaan kugu weehday

Wanaagba waataan
Hore kaaga waayay
Wehay xiise caashaq
Wataan kaaga quustay

Noloshu wardi maaha
Qofaad wahel moodo
 Hadaad waran liita
 Wadnaha ku jarayso


Qofkii wacan maanta
Dantaa u war sheegi
Waynaa ka sareeya
Wareegto ifkaa leh 
Miyuu kuba waarri

Aduunyadu waabab
Waanaagsana maaha
Hadaad kuba waarto
Wadhidu kuma seegto

Hadaad waabay jacayla
Wax yeelo ku nuugay
Marbaan weel kalgcayla
Wacadka ku cantuugi

Marbaan kuba weehan
Farxada yar walwaalan
Xubiga ka waraabin
Waaxyahan ku ooman

Marbaan waano qaadan
Waxyeelo I gaadhay
Wadadeeda ka leexan
Samahana wanjeeran


Marbaa wadhidaada
Wilwilo ku ciyaari
Wixii nolol daahday
Agtayda ku waaban

Marbaan wahsi maydhi
Wadhfini xusuusta
Waydaysay naftayda
Sadkeeda yar weecsan

Annoo walwalkaaga
Ku wiirso lahayna
Adaa toban waanno
Ka waashay daraade

Hadeertona wayday
Waxaan kugu yeedhay
Odhaadiyo weedhsan
Waglaydiyo heesta

Sareerdo wacnaatay
Annoo kugu weehaday
Inteed waydaaranaysay
Anoo samo waadix
Warkayga ka cadeeyay

Adaa Samir wiiqay
Wallaalnimo seegay
Wadcaal waxa taagan
Wallee ka dul booday
Duruusaha weelka
Hadeer ku walwaalo

Dareen wiiradiisa
Wareenkiyo taahha
Wayraxa cadhadiisa
Wuxuushta hadhaysa
La waalo hadeerto

Waydaaro dhankayga
Walwalka iga dayso...


Maansada Wadhi 2018 
Curintii Mohamed Murtaawi Axmed Omar

Comments