Maansada tudhaalle waa maanso la hadlaysa dowlada,kanna waramays wacyiga iyo waayaha danyarta ku dhex tabaalaysan bulshadeenna.
Waxay soo baxday sanadkii 2019 markaas oo ka curiyay xaalad wadanka ka jirtay, iyo farqiga u dhexeeya siyaasiga iyo dowlada.
Maansada Tudhaalle
Hadii tufka maasadu,
Ku timaad hilow badan
Tabinteedu fikir yahay,
Murti lagama taajiro,
Hadii fahanka teel dheer,
Qof yaqaan ku taab guro,
Oo tacajab waana ah,
Aadmigu ka taransado,
Anna taydii maan gabin,
Waxaan tabayabaa jira,
Loo waayay teeb qorra,
Hadii aan tusaalaha
U tilmaamin siday tahay
Ceeb aan ka taransado,
Tayo siinta aadmigu,
Maaha tol iyo reernimo,
Iyo hebal ku taagnow,
Iyo ruux ku taagsaday,
Tacab uu ku helay been,
Ha laguu tumuun sacab,
Hanka tanag ku raadcee,
Durbaanada tasowga ah,
Maaha waan tabcaysaa,
Xilka taajir ku ahow
Ninka timirta kuu guray,
Kaaga soo may tiisii,
Adna guro tuufaaxoo,
Maaha wuu tasoobee,
Tiin ku beer magaalada,
Waxa ayay tabanayaan,
Ku qardee tiriigyada,
Inta taal xafiisayada,
Adiguna taqsiin badi,
Waxay ay tudhaalaha,
Ku helaan tacaal badi,
Kaga qaad tab iyo xeel,
Waa tabtaynu wada nahay,
Marka uu hogaan tago,
Ruux shalay tab liidnaa,
Oo tallo ka caagnaa,
Afartaa tabaalaha,
Tabiyaye ma eedbaa,
Ma tilmaan la sheegaa,
Ma waxaad tabaysaa,
Tuuladaydu ceeb maleh,
Xil ku taajirkaygow,
Amba waad takoornaan,
Ama taash ayaad xidhan,
Tuugadu ku caan tahay,
Ama taad dhigtaa gali,
Taarikhda sooyaal,
Taalaa laguu dhisi,
Maalmaa laguu tumi,
Ama garo dantaa taal,
Inta hiil u taamila,
Uu tabaale reebee,
La taacaasha baahida,
Ama noqo mid aan tabin,
Wuxu taraba aadmigu,
Afartaa nin loo tudhay,
Ruux la tiigsadaa garan,
Afar kalle tafaafulay,
Kaga tagay halbeegaas,
Tagtadiyo timaadadu,
Waxbay kuu turjumaysaa,
Maalmahan tagayaa,
Dhacaday soo tabinayaan,
Sannada tirsamayaa,
Tacsibay galbinayaan,
Inta taranta aadmiga,
Inta tagaysa baa badan,
Ninka tiix ka sugayow,
Waa tuluf aduunyadu,
Oo qoraal ku taagane,
Ha tasoobin aakhiro,
Cilmibaa tog iyo xeeb,
Lagu kala tab sheegtee,
Ha tanaado qalinkuye,
Adiguna tacliin baro,
Kolna yaan lagaa tagin,
Tarantari daldaalkoo,
Tubta nolosha maaree,
Ha u dhuran tabaalaha,
Habel kalle tix galintii,
Yaan lagu tarsheeganin,
Toobiyaha laguu qoran,
Qayrkaa kol tiigsiga,
Ha kuu arkaan tiriig baxay,
Ninkaan tiisa meel dhigin,
Yaanu taadda kala ridin,
Yaanu teelad kuu dhigan,
Yaanu tooshka kaa damin,
Turuqmaalka nololeed,
Yaanu boodhka kaa tirin,
Mohamed Murtaawî
Comments
Post a Comment