MAANSO XAYAAD
Anigu kuma aan xusheene,
Xidhiidhaa jira la sheegin,
Ka xeel fog intaad arkayso
Dookhbaa igu kaa xidhaaya,
Qalbigaa kali kuu xabiiba
Xigtayso nafbaa la yeedha
Jacayl daran uu xanuunjo,
Kasbaa xaniboo dulqaadka,
Milgee igu soo xayndaaba,
Aff baa kali kugu xabeeba,
Xarfaha magacaaga qayba,
Markuu yeedhaba xabiibi,
Xayaati macaan guraaya,
Annaa kali kuu xubeerra,
Markay ishu xeel ku saarto,
Xididdaa dhiiga jooja,
Dartaa xasiloo istaaga,
Wadnahaa xoog uu garaaca
Waxaad xawishaa garaadka,
Xusbaa ka bilaama ruuxda,
Kashayda xilbaaba fuulla
Laabbaa xanibaad faqaysa,
Muxibaa xeel xeel guraysa,
Xubnaaba dhaqaaqa daaya,
Markaan gallo xaal daada,
Xasuusta markan ku raago,
Ilmaa xiribaha mar dhaafta,
Ilaa xusulada dareerta,
Dareenbaa dareen xanbaara,
Nafbaa adi kugu xidhmaysa,
Ilwaad xariirta dushaada,
Dayaxaa iskaba xarooda,
Xidigaa dhaca aawadaaye,
Xilibaa xili boqraaya,
Maan baa adi kuu xashaasha,
Xisbaa baxa oo fogaadda,
Xareed kalgacayla butaaca,
Faqbaa raynrayn xijaabta,
Jawibaa jawi xaseeya,
Xaysbaa xays ku beegma,
Xayaabaa ubax la dooda,
Sida xuralcayta ilwaadka,
Nafbaa adi kuu xadraysa,
Markaan gallo xiisadaada,
Muhashaa i kala xadaysa,
Xanxantaa iguba saaqda,
Xurmayso anaa yidhaahda,
Xayaad anigaa ku dhaarta,
Dadbaa dad kala xumeeya,
Sirtooda xadoo sariigta,
Dadbaa xabada shidaaya,
Lamaane isku xadiisa,
Xariigtoo iskuba diida,
Xuduudo ku kala afgooya,
Xigaal inagaa is doona,
Xanaano jacaylka siina,
Xanjeerka inagaa u jiidna,
Xeerkiisa sare u qaadna,
Xogtiisa dadnoo adkayna,
Xishoodka inagaa u yeelna,
Xanfarka inagaa u diidna,
Inagaa xafidnoo quluubta,
Xajiinta inagaa ka dhowrna,
Xayaad anigaa ku doona,
Adaaba xaaji ii haysta,
Adaan xididkeena goynin,
Xooxdiisa caashaq dhamaaya,
Comments
Post a Comment