Skip to main content

Posts

Hurgumo.

 Maanso Hurgumo Ha iska heeso ruuxii Halasaha jacayl qaba Ha hiqleeyo ruuxii Lagu hayo meel daran Hana qoro awaal tiris Ha u dhigo siday tahay Ha u dhowro caashaqa Intaa hadhay ee badan War la hayo sidiisaba Kama hadho wax sii jira Wax la hubo siday tahay Qof u sheegay muu hadhin Anna hannashadaydii Hanaan qurux ilwaadkii Inkastooy haldoor tahay Waxba yay haboonaan Naftan hiiftaybaa tidhi Hogashii daroortaay Iska hayso dhibicii Ha ii di in habeen qudha Hami diidayaa yidhi Haaneedkii irmaanaa Yuu buuxin hadhuubada Dib u hayso godolkii Damiir hoogaybaa yidhi Heemaalkii I jiitow Ha soo marin halkiiyoo Dib ha u hilaac badan Hankan quustaybaa yidhi Hibaaqii widhwidhayow Igadaa halaalaca Kuma hayo wax xiisee Hilib qoomanbaa yidhi Ha ka tagi wax ii mudan Humaagii wacnaayow Ha ii goc sidaadaba Qalbi holcayabaa yidhi Afartaa hurgumahaygiyo Halistaan dhex jiifiyo Hasaawe badan tii Igu heshay aduunyada Libin hoogtay ku asqee Hadii aan huray maanka Oo kuu saaray hadayda Hoy kaaga dhigay qaali ...

Lugooyo

 Ruux jacaylku laalays Igu yeedhaybaa lumin, Intu laagga fuulanna, Lib ka gaadhin caashaqa Qof dareenku lihmayoo, Laac laac ku noolbaan, Intu laas xareer badan, Ajjo liqqo  ku oon bixin Nin uu lowgu jabayoo, Looga tagay cadawaa Intu luggo miciinsado, Libdhin orodka dheerayn Ruux laydha fooraha, Dhalin yaro ku loofara, Waayaha lagdoo barro, Wuxuu yahay ladnaashu, Qof soboolku laagoo, Iska lada habeenkii, Samirkaa ku leexiya, Lacagtiyo badhaadhaha, Anna labada goorood, Isku maan lugaynayn Hanti iyo la yeeshaan, Wuxu aadmi laasimo, Adaan ku lignaan jiray Ladaneey adaa haa, Laydhka aan ku kaca oo, Ladaneey adaa haa, Laanbadii qalbiga oo, Luul igga dhici abidd, Ladaneey adaa haa, I labeeyahaygoo, Ladaneey adaa haa, Laab daweeyahaygoo, Ladaneey codkaagaa, Jawigu igu ladhaayoo, Saxaneey la aantaa, Lumay oo mabaan kicin Waxan ahay qof laajiya Lohon iyo haraad qaba, Waxan ahay qof laadiya, Qudhii kuba lamaanayd, Anoo laab kacayaan Wali luudayaa kali, Waxan laacayaa badi, Lubigii xabaal...

Tiriig

 MAANSADA TIRIIG HALDHAA 2014 Inaa tahay tiriig baxay Goortaan tilmaansaday  Nolol taabi kari waa Xalna toosin kari waa Caashaqaagu taagiyo   Taaluu is saaroo Naf tacaasha mooyee  Hali waa tusaalana Timir geed ku taaliyo Sida tahay tufaaxbaan Kugu taamayaayoo Qalbigaad ku taalaa Markii aan ku tacajabay Wajigaaga tooshka ah Nuurka  tuuraaya Dabnahaaga tukhulka ah Hadal wada tiraaboo Tixi ay ku ladhan tahay Sunayaasha talmoonee Lagu tawaaday qalinkiyo Timahaaga dheeree Ka daandagay tararada Qoorteeda takhankiyo Lagu taxay siliskiyo Lafayahaya talaabada Xaragadu  ku taalliyo Horaadaan kala tagin Dhexda taako qabadka ah Waxa aan ku tilaamaba Garan waa tiriigeey Tafiirtii suleekhoo Qurux loo tabiyaay Xuralcayn ka timid  Togogii janadaay Tuska roob hilaacoo Dhulka tiix ku maydhaay Dhirta oo tarantoo Tabinaysa ubaxaay Gobta dumar u talisiyo Tusmadii kalgacalkaay  Taashkii bureeqoo Loo wada tartamayaay Mida looga tagayeey Bilic laga tafniidaay Mida l...

Tudhaalle

  Maansada tudhaalle waa maanso la hadlaysa dowlada,kanna waramays wacyiga iyo waayaha danyarta ku dhex tabaalaysan bulshadeenna. Waxay soo baxday sanadkii 2019 markaas oo ka curiyay xaalad wadanka ka jirtay, iyo farqiga u dhexeeya siyaasiga iyo dowlada. Maansada Tudhaalle Hadii tufka maasadu, Ku timaad hilow badan Tabinteedu fikir yahay, Murti lagama taajiro, Hadii fahanka teel dheer, Qof yaqaan ku taab guro, Oo tacajab waana ah, Aadmigu ka taransado, Anna taydii maan gabin, Waxaan tabayabaa jira, Loo waayay teeb qorra, Hadii aan tusaalaha U tilmaamin siday tahay Ceeb aan ka taransado, Tayo siinta aadmigu, Maaha tol iyo reernimo, Iyo hebal ku taagnow, Iyo ruux ku taagsaday, Tacab uu ku helay been, Ha laguu tumuun sacab, Hanka tanag ku raadcee, Durbaanada tasowga ah, Maaha waan tabcaysaa, Xilka taajir ku ahow Ninka timirta kuu guray, Kaaga soo may tiisii, Adna guro tuufaaxoo, Maaha wuu tasoobee, Tiin ku beer magaalada, Waxa ayay tabanayaan, Ku qardee tiriigyada, Inta taal xafiisaya...

Dunida kugumaan ilaawin !!

 Maanso Dunida Kugumaan Ilaawin Adoo dacal igu baneeyay, Ma duugin jacaylkii qaali, Ma dagdagin oo sidaada, Dookhaygii maan jaleecin, Durtaba kamaan dhamaanin, Intaan dafiray xidhiidhka, Ma dadin xusuusahaagii, Intaan danbi uun ku saaray, Dunida kugumaa ilaawin, Daraad iyo caashaqeenii, Siday ishu kuugu doogtay, Siday kashu iila dooday, Sidaan isku daawanaynay, Kol qudha daah igama saarmin, Dareenkan dareenku riixay, Durtaba isagoo maqiiqan, I faray waa dahabsanaane, I yidhi kaalay oo bal daawo, Hadaad heshay deeqa luula, Daji waadigan la joogga, Ducayso mar kaloo ilaasho, Hadaan isla dooday dhaaxo, Dabciga jamashadu i qaaday, Durbaan kalgacay garaacay, Mar kale cishqiyada u duubay, U daaray qaraami heeso, Mar qudha aan wada dakaynay, Dalxiisnay dhul aan ku doognay, U dooray jawiyo caashaq, Si ay u dareemin diiqan, U daawaday sidii dhalaanka, Miyaan duufaan sintaaba, Mar qudha soo dagin halaagin, Miyaan calafkii diyaanna, Daabaalin uu ka xaysan, Dig,Digtiyo laba daryaanka, Ka dhaca...

Maansada Xayaad

 MAANSO XAYAAD Waxay curtay sanadkii 2020 waa maanso amaan ah oo gabadh kalgacal iyo muxibo loo qaaday lagu amaanaayo,waa hibasho ku timid dareen ku talaxtagay laab ruux jamatay si kastoo gabadh muuq iyo bildhaan wacan loo amaano loogu sheego halka ayay kaa taagan tahay ayaa ku dhan. Anigu kuma aan xusheene, Xidhiidhaa jira la sheegin, Ka xeel fog intaad arkayso Dookhbaa igu kaa xidhaaya, Qalbigaa  kali kuu xabiiba Xigtayso nafbaa la yeedha Jacayl daran uu xanuunjo, Kasbaa xaniboo dulqaadka, Milgee igu soo xayndaaba, Aff baa kali kugu xabeeba, Xarfaha magacaaga qayba, Markuu yeedhaba xabiibi, Xayaati macaan guraaya, Annaa kali kuu xubeerra, Markay ishu xeel ku saarto, Xididdaa dhiiga jooja, Dartaa xasiloo istaaga, Wadnahaa xoog uu garaaca Waxaad xawishaa garaadka, Xusbaa ka bilaama ruuxda, Kashayda xilbaaba fuulla Laabbaa xanibaad faqaysa, Muxibaa xeel xeel guraysa, Xubnaaba dhaqaaqa daaya, Markaan gallo xaal daada, Xasuusta markan ku raago, Ilmaa xiribaha mar dhaafta, Ilaa xu...

Waydaaro dhankayga !!

Way-daaro dhankayga !! Waa qalbi hadlaaya oo dhowr jeer la qoomay,dareenbaa ka yeedhsiiyay waana uu xog-waramay isaga ood moodo inuu iga baqaayo, igama rajaynaayo inaan wax uu ku dago ka qori doona wuu igala meermeeray qisadiisa haddana wuu iga  aamusi kari waayay,wuu holaday hoos ayuu u foorarsaday si uu ka xun yahay waxa ku dhacay iyo sida uu u waayay qudhii uu naftiisa ka jeclaaday. Goor fiida ayaanu kulaynay,si aan isku xog waraysano oon iskugu waayo warano. Isagga ood moodo inaan dhowr bari waxba cunin.  Waxa aan cabaar fadhino, shaahiina na hor yaalo ayuu hadal hoose igu yidhi heblaayo waanu kala tagnayn, heblaaya aa oo helblaayadu waa tuma gabdhii aad isku kaaya ogoyd een iskiin baray. Waa runtiiyoo dhowr jeer ayuu na kulansiiyay anigoo isaga la socda, waanu iskaaya baray waa gabadh aan anigu isla jeclaa inay nolol ku midoobaan mustaqbalka, way qurux badnayd,oo waxa ay ahayd boqorad, qofkii arkaaba ku dhaayo furanaayo, waxay ahayd qof diin iyo akhlaaq leh, waxay ahayd q...